Wasiir si weyn u soo dhoweeyay talaaba uu qaaday BFS

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Inj.Cabdullaahi Cali Xasan,ayaa soo dhoweeyay go’aanka Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Mohamed Cabdullahi Farmaajo iyo golaha Shacabka ay uga laabteen mudo kororsiga iyo doorka Raysulwasaare Rooble ee doorashooyinka dalka oo lagu qabto sida uga dhaqsiyaha badan.

War qoraala oo uu Wasiirka soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidaan.

Waxa aan si weyn u soo dhaweynayaa oo runtii muddan in la boggaadiyo go’aankii ay Golaha Shacabku maanta ku gaadheen in dalka dib looggu celiyo heshiiskii Doorasho ee 17kii Sebtembar sidoo kale na laga ga noqday muddo kordhintii loo sameeyey Madaxweynaha iyo Baarlamaanka. Waxa kale oo aan soo dhaweynayaa khudbaddii Madaxweynahu uu ka jeediyey Golaha Shacabka.

Sida aynnu hore u sheegnay xalka Soomaaliya waa in doorasho qabsoonto si aanu dalku u gelin dib-u-dhac iyo khal-khal siyaasaddeed. Waxaana aan Ku dhiiri-gelinayaa Ra’iisal Wasaaraha XFS inuu qaato hoggaaminta doorasho xor iyo xalaala oo ka qabsoonta dalka.

Ugu dambayntii, waxaan u mahad-celinayaa Ra’iisul Wasaaraha, madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, Siyaasiyiinta, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed oo ka soo horjeestay muddo korodhsigii ay sameeyeen Golaha Shacabku.