Puntland oo si cad u diiday ka qeyb galka shirka Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da ayaa caddeeyay in dhankooda aysan qorshaha ugu jirin ka qeyb galidda shirka lagu baaqayo.

“Maya, kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado.”ayuu yirri Wasiir Cabdi Xuseen.

Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa isasoo taraya baaqyada ku aaddan in xal laga gaaro hirgalinta doorashada Soomaaliya, meeshana laga saaro muddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda.

Maamul goboleedka Puntland ayaa dhawaan iyagana sheegay in ay shuruudo ku cirayaan ka qeyb galka shirka wadatashiga.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in shirka uu Farmaajo ku baaqay aysan tegayn illaa inta ay martiqaad ka helayaan Beesha Caalamka.