Madaxweynaha JFS oo maanta hortagaya Golah Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  oo Sabti ah kuna began 1-da bisha May yeelanaya kullan gaar ah oo uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hortegayo Golaha.

Ujeedka kullanka ayaa daaran Khudbad uu Madaxweynaha Dalka uu u jeedin doono golaha shacabka Baarlamaanka, taas oo uu kaga warbixin doono Xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Madaxweyne Faremaajo ayaa kullankan iclaamiyay Habeenimadii Arbacada soo galeysay ee todobaadkii tegay, wuxuuna sheegay inuu hortagyo Golaha Shacabka si dalka loogu soo celiyo hannaankii Doorasho ee ay ku heshiiyeeb madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.