Danjire Tarsan: “Afartii sano waa dhammaatay ee Xilka ku wareeji Baarlamaanka”.

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed-nuur Tarsan oo bartiisa Facebook soo dhigay muuqaal uu iska soo duubay isla markaana uu uga hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Muqdisho ayaa diiradda saaray meelo kala duwan.

Tarsan waxa uu ka digay in caasimadda lagu dagaalamayo iyada oo aan laga fakireen saameynta dambe ee Bulshada Soomaaliyeed, balse meesha kama uusan saarin in loo baahan yahay wadahadal lagu dhammeeyo waxyaabaha la isku heysto.

Duqii hore ee Muqdisho waxa uu sheegay in ay adkaan doonto haddii la huri waayo dagaal, nasiib darro ayuu ku tilmaamay in dhalinyarada la isku hubeeyo si loo barakiciyo dadka shacabka ah ee kunool Gobolka Banaadir.

Danjire Tarsan ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay in xilka uu wareejiyo si uu dalka uga badbaadiyo burbur & qalalaase haddii uu yahay musharax markale muujiyo xildoonimadiisa.

“Waxaa soo qabatay waa dhammaatay afartii sano, dooqa ugu wanaagsan waa in aad Baarlamaanka xilka ku hor wareejisaa oo aad dhiibtaa, inta aad sharaf leedahay waxaa habboon in aad go’aankaas qaadatid, Xukuumadda ha diyaariso Doorashooyinka, dooqa labaad waa in aad dhahdaa waan tartami oo muwaadin Soomaaliyeed ayaan ahay, haddii la isku dayo in ciidan la isku adeegsado oo magaaladii lagu burburiyo sharaf xumo ayay noqoneysaa” Sidaasi waxaa yiri Danjire Tarsan.

Muranka ka dhashay qabsoomid la’aanta Doorashooyinka ayaa gaaray meel sare, waxaana dhicisoobay isku daygii Golaha Shacabka ee ka yimid Madaxtooyada ee ahaa in muddo 2-sano ah muddada loo kordhiyo hay’adaha dastuuriga si loo laalo heshiiskii 17-kii September 2020.