Puntland oo shuruud adag ku xirtay shirka uu Iclaamiyay MD Farmaajo

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay shirka la filayo in mar kale dib ay isugu soo laabtaan Madaxda Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka, maaddaama uu horay u fashilmay shirkoo Afisyooni oo ay qayb ka ahaayeen dhammaan Dowadaha xubnaha ka ah Dowladda dhexe.

Maamulka Puntland ayaa Shuruud adag ku xiray in ay ka qayb galaan shir dambe lagu qabto muqdisho kaasi oo xal loogu raadinayo khilaafka taagan ee dhanka Doorashooyinka ee dalka ka dhici doono, kuwaasi hadda la isku mari la’ayahay.

Waxaa Puntland ay shuruud cusub ku xirtay ka qayb-galka shirka doorashada ee xalay uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland Cabdullaahi Timacadde ayaa sheegey in aysan Xamar danbe tegeyn isla markaasna ka qayb-galayn shir doorasho ilaa ay martiqaad rasmi ah ka helaan Beesha Caalamka.

Waxaana uu shuruud uga dhigay ka qayb galka Shir Muqdisho lagu qabto in marka hore ay Martiqaad Rasmi ah ay ka helaaa Saaxiibada Beesha Caalamka oo galaangal xooggan ku leh arrimaha Soomaalida.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland Cabdullaahi Timacadde ayaa imaanaya iyadoo maamul Goboledyada oo idil ay kasoo hor jeesteen muddo kororsiga Farmaajo, waxaana Mowqifkooda si rasmi ah u caddeeyay Maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ka hor yimid muddo kordhinta, waxaana maalinimada Sabtida ah la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu hortago Goloha Shacabka, waxaana xusid mudan in dhammaan dhinac yada ay qisayso siyaasadda Soomaalida ay ka hor yimaadeen Farmaajo, waxaana sidoo kale dib loogu laaban doonaa Heshiiskii 17Sep.2020.