Wasiir Eng Cabdulaahi oo ka hadlay go’aanka Galmudug iyo HirShabelle

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federalka. Mudane Eng Cabdullahi Cali Xassan ayaa soo dhoweeyay qoraalladii ay galabta soo saareen, madaxda dowlad goboleedyada Galmudug HirShabelle, iyo Raysulwasaraha  kuwaas oo ay ku cadeeyeen in aysan raali ka aheyn mudo kororsiga. Qoraalka Wasiirka soo saaray aya u qornaa sidaan

Waxa aan si weyn oo farxadi ku jirto u soo dhaweynayaa go’aanka geesinimada lahaa ee ay qaateen Madaxweyneyaasha Maamul goballeedyada Galmudug iyo Hir-shabeelle iyo weli ba sidoo kale dhawaaqa Ra’iisal Wasaare Rooble ku taageeray war-murtiyeedkii ay soo saareen Madaxweynayaashaasi kaas oo ahaa inay doorasho ka dhacdo dalka sidoo kale na meesha laga saaro nooc kasta oo muddo kordhin ah.

Sidoo kale, waxaan ka xumahay dhibbaatooyinkii colaadeed ee dalka ka dhacaayey maalmahii ugu dambeeyey iyada oo aan shacabka si gaara uga ga tacsiyadeynaayo cid kasta oo waxyeelo ka soo gaadhay dhibbaatooyinkaas oo runtii shacab badan oo reer Muqdisho ka qixisay magaladdoodii.

Waxa aan dawladda Federaalka ah, dawladaha xubnaha ka ah, daneeyeyaasha iyo beesha caalamka ba aan ka codsanayaa inay si deg-deg ah uga shaqeeyaan inay wadanka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah iyadoo la raacayo heshiiskii 17kii Sebtember 2020 lagu na noqdo miiska wada-hadalka.