DENI oo hortagaya Baarlamaanka & Ujeedka oo la shaaciyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa lagu wadaa in Maamlinta Sabtida ah ee soo socda in  uu hortago Golaha  Wakiilada Puntland.

Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa qoraal uu u diray Xildhibaannada waxaa uu ku wargeliyay in sabtida ay u diyaar garoobaan Kulanka uu Golaha yeelanayao, isla markaana uu hor-imaanayo Madaxweynaha Puntland.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Deni uu golaha uga warbixinayo ismarin-waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyo mowqifka ay qaadan karto Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa la filayaa in Maalmaha soo socda uu latashiyo la sameeyo siyaasiyiinta iyo qeybo kale oo kamid ah bulshada, intaas  kadibna  Puntland soo saarto mowqifkeeda arrimaha ka  taagan doorashada Soomaaliya.