Shir Deg deg ah oo Muqdisho Madasha Xisbiyada Qaran

Waxaa uu shir uga socdaa Hoteel ku yaal Magaalada Muqdisho Xubnaha Midowga Musharixiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ee ku mideysan yihiin Madasha Badbaado Qaran.

Shirka ayaa waxaa ay uga hadlayaa muddo kordhinta ay golaha Shacabka shalay u ansxixiyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda Ferderaalka Soomaaliya iyo sida laga yeelayo maadaama dhowr jeer ay ka digeen muddo kordhinta.

Xubnaha Midowga Musharixiinta & Madasha badbaado Qaran ayaa waxa la filayaa in kulankoda ay kasoo saaraan Warmurtiyeed looga hadlayo xaalad dalka iyo tallaabada ay qaadanaan, kadib Go’aankii Golaha Shacabka.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland la flayo inay dib ugu laabtan degaannadooda, iyaga oo Muqdisho u joogay shirkii aan wax natiijo ah kasoo bixin ee Madaxda dowlada & Dowlad Goboleedyada ku yeesheen Teendhada Afisiyooni.