Deegaano Ka Tirsan Gobolada Dalka Oo Maanta Aan Laga Soomin

Iyadoo Maanta ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha barakeysan ee Ramadaan oo Dunida Muslimka si wada jir ah looga wada sooman yahay ayaa deegaano ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya aan laga soomin.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta  ayaa xalay shaacisay in Maanta oo ah talaado tahay 1-da Bisha Ramadaan, isla markaana Shacabka Soomaaliyeed looga baagan yahay inay soomaan.

Wararka aan la heleyno Magaalooyinka Guriceel, Xeraale, Matabaan iyo qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dadka deegaanka qaarkood ee halkaas kunool aysan Maanta soomin.

Qaar kamid ah Culimada ku sugan Guriceel, Xeraale iyo Matabaan ayaa sheegay in aysan xalay bilashada Bisha Ramadaan arkin, isla markaana Maanta ay tahay 30-ka bisha Shacbaan, iyadoona maalinta berri oo Arbaco ah kow tahay Bisha Ramadaan.

Sidoo kale wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aan Maanta laga soomaneyn, waxaana dad ku sugan halkaas ay tilmaameen in xalay la arki waayay Bisha Ramadaan oo Maanta ay u tahay 30-ka Shacbaan.