SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay qaraxa ka dhacay Mudisho

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Gaari oo ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Isgoyska sayidka ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu aha NOHA, isla markaana markii hore uu si xowli ah uu kusoo maray Isgoyska dambe Ciidamada dowladana ay rasaaseeyeen, hayeeshee ugu dambeyn uu ku qarxay Barta Gaadiidka lagu hubiyo ee Isgoyska sayidka.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay arkayeen burburka Gaariga iyo Mootooyin Bajaaj, sidoo kale ay jiraan dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa, balse aan weli la cadeyn inta ay la egyihiin.

Gawaarida gurmadka deg dega ayaa garaay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa buux dhaafiyay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena wariyeyaasha u diiday inay muuqaalo ka duubaan Goobta.