Xaaf oo ka badbaaday weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel ku yaalo magaalada Nairobi

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa wxa ay ka badbaadeen weerar qaraxyo ku bilaawday oo ka dhacay Hotel ku yaalla Magaalada Nairobi halkaasi oo uu shir ugu socday.

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa weerarkaasi uu ka badbaaday ee lagu soo qaaday Hotel Dusit ee magaalada Nairobi ku tilmaamay wax laga xumaado.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hotelka waxa uu shir kula lahaa Hay’adda SSF oo ay kawada hadlayeen sidii loo hormarin lahaa Galmudug ayaa waxaa mar qur ah Afaafka hore ee Hotelka ka dhacay Qarax iyo is rasaaseen

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa ka badbaaday weeraradii lala beegsaday waxaana goobtaa ka saaray Ciidamada amaanka ee Kenya.