Qarax iyo rasaas xooggan oo laga maqlay magaalada Nairobi

Qarax Xooggan iyo rasaas isla socda ayaa laga maqlay daanta galbeed ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay banaanka hore ee dhismo ku yaalo magaalada Nairbi ka hor inteysan kooxo hubeysan rasaasta furin saacadu markey ahayd 3PM,waqtiga Afrika.

Sawir baraha Bulshada la soo dhigay ayaa muujiyay gaari gubtay iyo qiic iyo uuro cirka isku shareeray.

Dad badan ayaa ku xanimay gudaha dhismaha ,waxaana wararka ay intaasi ku darayaan in kooxo hubeysan ay dadka ka dhex tooganayeen dhismaha.

Ciidamada Boolis ayaa goobta ay wax ka dhaceen soo gaaray.

Wixii faah faahin ah la soco.