Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo si deg deg ah ugu laabtay magaalada Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Mudane Sheikh Osman Barre Mohamed ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Golaha baarlamanka Hirshabelle oo maalmahan ku jiray Fasax sanadeedka baarlamanka ayaa la filayaa in todobaadkan dib loo furo kalfadhiga 5aad Ee Golaha baarlamanka Hirshabelle.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Jowhar Mudane Osman Mohamed Mukhtaar Baareey ,Ku simaha guddomiyaha Gobolka Maxamed Cabdi Sheikh Xaandow ,xildhibaanno Iyo guddomiye ku Xigeenka baarlamanka marwo Canab Axmed Ciise ayaa si weyn u soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka.