Axmed Madoobe xil muhiim ah u magacaabay mas’uul caan ah+(Magaca)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Cabdirashiid Aadan Ismaaciil u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada degmada Af-Madoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhamaan Hay’adaha dowliga ah ee degmada Afmadow ayaa waxaa lagu amray in Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamada kala Shaqeeyaan Shaqooyinka loo igmaday.

Todbaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Afmadow ku sugnaa Madaxweynaha Jubbaland,waxana uu u sameeyay Maamul Cusub.