SAWIRRO: Madaxweynaha cusub ee Puntland oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore ee Puntland ayaa maanta lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Maamulka ee ku taalo magaalada Garowe.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Ku-xigeenka Cusub Axmed Garaash ayaa maanta Xilalka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne Ku-xigeenkiisii C/xakiim Xaaji Cumar Camey, ka dib Munaasabad Kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

Waxaana Munaasabadda goob joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntlanad,Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Puntland iyo Mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka,waxayna u dhacday sidii loogu talagalay.