Golaha shacabka oo maanta ka doodaya arrimo xasaasi ah si weyna loo hadal haayo

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa maanta oo isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 14/1/2019,ka waxayna kulan ku yeelanayaan xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kullanka maanta ee Xildhibaanada ayaa looga doodayaa arrimo Xasaasi ah oo ay ka mid tahay wax ka badalka xeerka Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Arrinta wax ka bedelka xeerka Bangiga dhexe iyo wararka sheegaya in shaqsi ajanabi ah loo magacaabi rabo Bangiga ayaa si weyn loo hadal hayay.

Qaar ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay in maanta aan fursad la siin aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee bartay cilmiga dhaqaallaha ,laakiin xukuumadda Soomaaliya ay waddo ruux Ajnabi ah.