AKHRISO: Magaca Sarkaal ka tirsanaa Daacish oo Al-Shabaab ay ku toogteen Gobolka Jubbada Dhexe

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa magaalada Bu’aale ee Goblka Jubbada Dhexe ku toogtay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya.

Yaxye Xaaji Fiile, oo loo yaqaaney [Abu Zakariye] ayaa lagu toogtey degmada, kadib markii Sirdoonka Al-Shabaab ay sheegeen in ninkan uu xiriir la leeyahay garabka Daacish uga dagaalama Soomaaliya sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Abu Zakariye ayaa horey isku khilaafeen Al-Shabaab markii uu dilay hogaamiye katirsanaa Daacish oo lagu magacaabi jira Bashiir Abu Nucmaan sanadkii 2016-kii.

Wadahadal kadib ayuu dib ugu laabtey Al-Shabaab, oo markii hore ka cararay, isagoo mudooyinkii dambe ku nooloo, kana barbar dagaalamayay Kooxdan xiriirka la leh AlQaacidda ee Daacish.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa ka dhaxeeya dagaal waxaana kooxahan dhawaan ay  ku dagaalameen duleedka degmada Qandalla, ee gobolka Bari, iyagoo iska dilay xubno badan.