Waqtiga rasmiga ah ee la soo gabagabeynayo dib u eegista Dastuurka oo la shaaciyay

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin guud ka bixiyay illaa iyo haatan howsha u qabsoontay ee la xariirta arrimaha Dastuurka dalka.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in ay ku guuleysteen dhammeystirka 9 cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay weli u harsan yihiin 5 cutub oo kale, ayna ku guda jiraan, sidii ay soo gabagabeyn lahaayeen inta ka harsan bishan Janaayo ee 2019-ka.