Amar uu bixiyay madaxweyne Farmaajo oo lagu joojiyay siminaar Xisbiga Xasan Sheikh ku qaban lahaa Baydhabo

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Sida uu sheegay Senator Xuseen Sheekh oo ka tirsan Xisbigaas.

Senator Xuseen Sheekh ayaa shacabka Baydhabo ka raali geliyay siminaar Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ku qaban lahaa Baydhabo.

Sidaan oo kale todobaadkii hore waxaa laga joojiyay Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo iyagana siminaar Dowlad wanaaga lagu baranayay ku qabanayay Hotelka Makala Almukarama ee magaalada Muqdisho.