Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Liibiya oo codsi u diray Dowladda Farmaajo

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dhibaatooyinka ay la kulmayaan dhalinyaradda Soomaaliyeed ku nool  dalka Liibiya.

Soomaali badan ayaa  Tahriib ahaan ku tagay dalka Liibiya, kuwaasi Oo doonaayay in ay kasii aadaan dalalka Yurub, balse  qaarkood ayaa la kulmo jir dil iyo madax-furasho.

Maxamed Cabdi raxman Cali waxaa uu ka mid yahay dhalanyaro gaareysa 25, kuwaasi oo ku xiran dalka liibiya, waxaa uuna sheegay in dhibaatooyin badan ay ku haystaan dalkaasi,sida uu mid ka mid ah warbaahinta Maxaliga ah u sheegay .

Waxaa soconaya dadaallo dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibateysan dalka Liibiya sida uu horey u sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi.