XOG: MW Farmaajo & Kheyre oo lagu eedeeyay iney ku heshiiyeen cabsi gelinta siyaasiyiinta ka aragti duwan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney ku fashilantay sugida amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Dowladda Federaalka eek a aragti duwan.

Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame oo marar badan falal qal qal geliya amnigiisa kala kulmay laamaha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Villa Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay iney cabsi geliso siyaasiyiinta ka aragti duwan,wuxuuna si gaar ah u sheegay in Hay’adaha ammaanka ee loogu talagay sugida amniga dalka iyo muwaadinka Soomaaliyeed loo adeegsado dano shaqsiyadeed oo gaar ah.

Xildhibaan Cabdifataax oo ka mid ah Mudayaasha Golaha shacabka ayaa sheegay in madaxweynaa ay ilaaliyaan Ciidamo ajanabi ah (AMISOM),islamarkaana uu doonayo inuu dhibaateeyo siyaasiyiinta mucaaradku ah ee dhaliisan siduu wax u wado.

Wuxuuna ugu baaqay madaxda ugu sareysa dalka iney joojiyaan caburinta iyo cagajugleynta siyaasiyiinta Soomaaliyeed,Xisbiyada iyo  dadka xilalka muhiimka a u soo qabtay dalka.

Ciidamada ammaanka ayaa dhowr mar bartilmaameedsaday xarumo uu ku sugnaa Siyaasi C/raxmaan C/shakuur,halkaasi oo ay Dowladda u aragtay in duulaan siyaasadeed looga soo abaabulayo.