Mashquulkii ugu xoogganaa oo ka jira Madaxtooyada Puntland & C/wali Gaas oo Qorshe cusub wada

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa maanta ka socda diyaar garaw xoogan oo uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Denni.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa diyaarinaya munaasibada uu xilka ugu wareejinayo madaxweynaha cusub ee la dhaariyey maalintii shalay ahayd.

Madaxweynihii hore Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa inuu dhowaan si rasmi ah Qasriga madaxtooyada, shaqada dowliga ah iyo mashaariiicda ka socota Puntland uu si rasmi ah ugu wareejiyo madaxweyne Siciid Denni.

Inkastoo uusan hore u fiicnayn xiriirka Gaas iyo Denni hadana Puntland ayaa lagu yaqaan in siyaasiyiinta xilalka isku dhiibaya ay iska iloobaan wixii xanaf ahaa ee soo dhex maray iyagoona gacmaha isku qabsada midnimada Puntland.