Madaxweynihii lagu doortay Cadaado oo war cusub ka soo saaray doorashada madaxweyne Deni

Madaxweynaha maamulka Galmudug ee garabka Cadaado Axmed Maxamuud Xasan “Axmed Baasto’ oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay qaabka ay u dhacday doorashada Puntland, laguna doortay hoggaan cusub.

Axmed Baasto ayaa shaaca ka qaaday is bedalka ku yimid maamulkaasi iyo guud ahaan dowlad goboleedyada kale uu yahay mid loo baahnaa,xilligani.

Waxaana uu intaasi ku daray in uu dhamaaday waqtigii khilaafka, islamarkaana looga baahan yahay madaxda cusub in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan Dowladda Soomaaliya.

Axmed Baasto ayaa lagu doortay khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Ugu sareysa Galmudug oo fariisin ka kala sameystay Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Cadaado.