IGAD oo amar dul dhigtay Dowladda Dhexe & Maamul Goboleedyada+(Wax Ka Ogow Amarka)

Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida in ay si wadajir ah isugu tagaan Miiska wadahadalka islamarkaana kala aragti duwanaanta u dhaxeysa ku dhammeeyaan wadahadal.

Ergeyga gaarka ee IGAD u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaanka sare ee dowladda Federaalka ah, iyo kuwa dowlad Goboleedyada in ay ka fakaraan shacabka soona afjaraan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda.

Maxamed Cali Guyo oo ah ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Guddiga doorashada ee Puntland.

Waxaa uu sidoo kale Mr Guyo u hambaleeyay madaxweynihii hore ee Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo doorashada ku qabtay waqtigii loogu talagay.