FADEEXO: Dhismaha xarunta Madaxtooyada & Baarlamaanka Hirshabeelle oo amar Al-Shabaab lagu joojiyay

Warar hoose oo aan ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in amar ka soo baxay Ururka Al-Shabaab lagu joojiyay dhismaha, Xaruntii Baarlamaanka iyo Madaxtooyada HirShabeelle.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa mar uu safar ku tagay magaalada Jowhar sanadkii tagay ee 2018kii dhagax dhigay dhismaha dhimsaha xarunta Madaxtooyada iyo Guriga Baarlamaanka HirShabeelle

Wararka ayaa sheegaya in Al-Sabaab ay u hanjabeen shaqalihii dhimsaha xarunta, wadayaasha gaadiidkii Cagaf-Cagafta, iyo wadayaasha kale ee Gaadiidka keena Carrada iyo dhagxaanta, sidoo kale waxaa loo hanjabay Gaadiidka kale ee magaalada Muqdisho ka qaada qalabka dhismaha, waxayna arintaasi sababtay in Shaqadii istaagto.

Sidoo kale,Al-shabaab ayaa dhawaan ku gubay duleedka degmada Balcad, laba gaari oo qalab dhismo ka qaaday magaalada Muqdisho, kuna sii wajahnaa Jowhar.

Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay Maamulka Hirshabeelle oo arrintaan ku aadan,waxaana madaxda ugu sareysa Maamulkaasi ay ka maqan yihiin Jowhar,waxayna tamashleyn u joogaan magaalada Muqdisho.