Al-Shabaab & dad beeraley ah oo ku dagaalamay duleedka Mahadaay

Xarakada Al-Shabaab aaa dad beeraley ah ku xir xiray tuulooyin hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Barqanimadii Maanta ayaa tiro dad Beeraleey ah waxa ay Al-Shabaab ku xir xireen deegaanka Cali Fooldheere,waxaana Wararka aan helnay ay sheegayaan in ilaa Lix ruux ay Al-Shabaab xireen.

Dad magacooda diiday in warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in sababta Al-Shabaab u xireen dadkan Beeraleyda ah ay tahay in dadka beeraleyda ah ay diideen iney bixiyaan Loor sisin oo Al-Shabaab ku amreen.

Weli lama oga halka Al-Shabaab dadkii Beeraleyda ah u wateen,balse waxaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu taagnaa muran ka dhashay diidamada Beeraleyda dalbka uga yimid Aal-Shabaab.