Wasiirka amniga oo weerar Afka ah ku qaaday siyaasiyiinta isbedelka doonka ee Ku kacsan Villa Soomaaliya

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow oo ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax badan iska bedelay amniga caasimadda Soomaaliya,wuxuuna qirtay iney jiraan Qaraxyo wali dhaca,balse inta badan amniga Ciidamadu ku guuleysteen.

Wasiirka ayaa sheegay iney yaraadeen weerarada tooska ah ee Al-Shabaab ku soo qaadaan Hotelada iyo maqaayadaha (Complex attack),isagoona carabta ku adkeeyay inta uu wasiirka yahay ay dhaceen weeraradaasi tooska ah saddex jeer oo lagu kala qaaday Maqaayadda PIZZA HOUSE,NAAS-HABLOOD2 iyo weerar ay dagaalyahanada Al-Shabaab ku soo qaadeen Wasaaradda amniga oo uu sheegay wasiirku inteysan gelin ay Ciidamad ammaanka ay toogteen.

Arrintaan ayuu u sababeeyay wada shaqeyn wanaagsan oo dhexmaray laamaha ammaanka Dowladda iyo shacabka Soomaaiyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale,Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda,isagoona ku laab qaboojiyay iney iska sugtaan labada sano ee Dowladda u hartay.

“Dadka isbadalka Sheegayo waxaan leenahay labo sano ayaa hartay ha iska Sugaan,Waxaan guul ka gaarnay dadkii bartamaha Magaalada lagu dili jiray,waxaana wax kabaranay Weerada Qaraxyada” ayuu yiri Wasiir Isloow.

Maxamed Abuukar Isloow ayaa la aaminsan yahay inuu ka mid ah yahay milkiilayaasha Xukuumadda Nabad iyo nolol,taasi oo u sahleysa inuu damaanad u helo xilkiisa oo marar badan laga dalbaday inuu iska casilo sababo la xiriiro inuu ku fashilmay ammaanka dalka gaar ahaan Muqdisho.