Wareegii koowaad ee tirinta codadka doorashada Puntland oo goordhow la soo gabagabeeyay

Waxaa hadda la soo gabagabeeyay tirinta Codadka Wareegga Koowaad ee doorashadda Madaxweynaha maamulka Puntland.

Baarlamaanka Puntland waa 66 Xildhibaan, Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Puntland waa 21 Musharax, Daqiiqado kadib waa la kala hari doonaa.

Ilaa iyo hadda musharaxiinta ugu cad cad tirinta codadka waxaa ka mid ah Saciid Dani,Generaal Aasad iyo waliba Faarax Cali shire lamina oga cida guusha raaci doonta.

Saciid C/llaahi Deni 20 Cod.

Jeneraal Asad 17 Cod.

C/weli Gaas 8 Cod.

Faarax Cali Shire 9 Cod.

Eng Jebiye 7 Cod.

Cali Xaaji 1 Cod.

Dr Cali Ciise 1 Cod.

Jeneraal Moorgan 1 Cod.

Wareegi Koowaad.

Waxaana wareega Labaad u gudbay musharaxiinta madaxweyne ee kala ah Saciid C/llaahi Deni,musharax Generaal Asad iyo Faarax Cali shire.