Tirinta codadka wareega Labaad ee doorashada Puntland oo socota & 2-musharax oo isku dhegan

Waxaa hadda la soo gabagabeeyay tirinta Codadka Wareegga labaad ee doorashadda Madaxweynaha maamulka Puntland.

Baarlamaanka Puntland waa 66 Xildhibaan, Musharaxiinta u taagannaa xilka Madaxtinimada Puntland waxay gaarayeen 21 Musharax, balse waxaa haray ilaa iyo 17-musharax oo wareega labaad u soo gudbi waayay.

Musharaxiinta wareega labaad ku tartamay waxaa ka mid ah Saciid Dani,Generaal Aasad iyo waliba Faarax Cali shire lamina oga cida guusha raaci doonta.

Haddii wareegan lagu kala adkaan waayo waxaa lagu kala baxayaa hal dheeri.