Puntland oo maanta Go’aan gaareysa & shacabka oo la xanibay

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in haatan magaaladaasi ay ka socoto xafladda lagu dooranyo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi hoggaamin doona sanadaha soo socda iyo ku-xigeenkiisa.

Ku dhowaad 20-musharax ayaa u tartamaya xilka madaxweynaha halka ku-xigeenkana u oradayaan ilaa iyo 11-musharax.

Xildhibaanada Puntland oo ka kooban 66 Mudane ayaa maanta dooran doona hoggaanka Puntland hoggaamin doona shanta sano ee socota.

Ammaanka magaalada Garowe gaar ahaan halka ay doorashada ka dhaceyso ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamo badan magaalada lagu arkayo.