Madaale” “Gabadha ku foolato Cadale iyo Warshiikh, Cisbitaalkeeduna yahay Muqdisho,dadkeeda inaga nahay waa in wax la iska weydiiyaa”

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa si aad ah kaga hadlay dhibaatooyinka ay qabaan shacabka Shabeellaha dhexe gaar ahaan kuwa nool dhulka xeebta sida degmooyinka Warshiikh iyo Cadale.

Wuxuu si gaar ah diirada u saaray Haweenka foolanaya oo aan lahayn goob caafimaad oo lagula tacaalayo oo Cisbitaalkooda uu yahay magaalada Muqdisho,wuxuuna carabka ku adkeeyay in wadada isku xirta dhulka Xeebta gaar ahaan Cadale iyo Muqdisho aad u bur bursan tahay.

“Gabadha ku foolato Raage ceele, Cadale iyo Warsheekh Cisbitaalkeeduna yahay Muqdisho Wadaduna sidas tahay dadkeeda inaga nahay waa in wax la iska weediiyaa” ayuu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee shacabkaasi dhibaateysan ku metala Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa ka gaabiyay howshii loo igmadag ee u adeegida shacabka ay wakiilka u yihiin.

Waxayna siyaasiyiinta Beesha dadkaasi ay ka soo jeedaan waqtigooda iyo qarashkaba ay ku lumiyeen Hotelo iyo damaashaad aanay shacabka dani ugu jirin.