DEG DEG: Saciid C/llaahi Deni oo noqday madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland

Musharax Dr. Saciid C/llaahi Deni ayaa cod gaaraya 35 cod kaga guuleystay wareegii saddexaad ee doorashada  musharaxii la tartamayay ee Generaal Aasad C/llaahi Cusmaan oo helay 31.

66-Xildhibaan ayaa codeysay,wuxuuna madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni uu Puntland Hoggaamin doonaa shanta sano ee soo socota.