XOG: Maxay tahay caqabada DF kala kulmi karto doorashada beri ka dhaceyso Garowe?

Khilaafkii DF  iyo Maamulada Kumeel gaarka ah ayaa weli taagan sannad kadib, iyadoo aysan jirin ifafaalo Siyaasadeed oo muujin kara inay labada dhinac heshiis gaari doonaan bilooyinka soo socda.

DF waxa uu khilaafkaasi ku noqday Caqabadda ugu tunka weyn ee haysta, inkastoo ay Madaxda DF weli yididiilo ka qabaan in wax iska bedeli karaan Hoggaanka haatan ee Maamul-gobaleedyadda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay DF dadaal xooggan ku bixisay inuu daaqadda ka baxo Madaxweynihii K/G, Shariif Xasan Sheekh Aadan, weyna ku caano-maashay in la doorto Madaxweyne Cusub oo jaal dhow la ah DF.

Waa hubaal inay DFS Nefis-siyaaasadeed heli karto haddii  Doorashadda Madaxtinimadda ee berrito ka dhici doonta Puntland lagu soo doorto Madaxweyne Cusub, laakiinse, waxay DF xaajaddu la liici kartaa haddii dib loo soo doorto Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo isagu u muuqda Siyaasi aad u mucaaradsan DF, isagoo iska ooday dhamaan dulduleeladda u uu arkayey inay Madaxda DF uga soo dusi karaan, sidii ku dhacday Jaalkiisa Shariif Xasan.

Waa arrin Kheyrul-caadi inay DF  ku guuleysato in Madax cusub la wareegaan Talada Maamul-gobaleedyadda mucaaradsan, waxayna Khubaradu rumeysan yihiin in Khilaafka DF iyo QM uu oof-wareen ku noqon karo Geeddiga Is-fahamka ee DF iyo Madaxda Maamul-gobaleedyadda. ��R1pE