Wasiir Xoosh oo shaaciyay war uu ku bahdilay Xasan Sheikh Maxamuud,kuna farayo inuu siyaasadda ka haro

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu isaga haro siyaasadda.

Cabdi Xoosh ayaa Qoraal uu soo dhigay bogiisa facebook, waxa uu ku sheegay in Xasan Sheekh ay shacabka Soomaaliyeed siiyeen fursad muddo 4 Sano ah laakiin aysan mar kale siineyn maaddaama wax qabadkiisii hore uusan qancin.

Xoosh waxaa uu sheegay in Xasan Sheekh ay u wanaagsan tahay in uu ku daydo Madaxweynihii uu isaga beddelay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed,kaas oo afartii sano ee uu Xasan xilka hayay aan ka daba hadlin.

Cabdi Xoosh Jibriil oo qoraal ku qoray Facebook-giisa talo ku siinayay Xasan SHeekh ayaa yiri.