Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Jowhar

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya is risaaseyn maanta magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ku martay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.

Garabka ka mid ah Ciidamadii dagaalamay ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur Dheere,waxaana ka dhashay dagaalka Khasaaro.

Wariye ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in dagalkan uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle ee joogay Koontarool laga soo galo Jowhar ay celiyeen Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe oo doonayay in uu soo galo Magaalada,isla markaana sidaas uu dagaalku ku bilowday.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Nuur dheere ayaa waxaa la sheegay in uu ka yimid tuulooyin hoostaga Magalada Jowhar,hayeeshee loo diiday in uu Magalada Jowhar gudaha u galo.

Ugu yaraan laba ruux oo mid ka mid ah ay tahay Haweeneey iyo Nin Oday ah  ayaa dagaalkaas ku geeriyooday.

Wararka dagaalka laga helayo ayaa intaasi ku daraya in Ciidamadii dagaalamay wali aagii dagaalka isku horfadhiyaan.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka Hir-Shabeelle oo ay uag hadlayaan dagaalkii ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle. +Oca