Musaharax Jabiye oo balan qaaday inuu xiri doono Shirkad lacagaha been abuurka u sameysa C/wali Gaas

Eng. Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye oo kamid ah musharaxiinta Puntland ayaa haatan ka hor khudbadaynaya hoolka Baarlamaanka Puntland oo ay ku sugan yihiin isimadda dhaqanka, xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale oo ka socota Beesha Caalamka, waxaana uu musharax si gaar ah diirada u saarayaa arimaha musuq maasuqa oo uu sheegay in uu wax badan ka qaban doono.

Arimaha sugida amaanka ayuu sheegay musharaxu in si dhow uga shaqayn doono isla markaasna uu dhisi doono ciidan isku dheeli tiran oo ka qayb qaata difaaca Puntland iyo horumarinteeda.

Maamul wanaaga iyo abuurista fursado shaqo ayuu sheegay musharaxu in uu samayn doono isla markaasna doorashada Puntland ee dambe ay ku dhici doono qaab cod iyo qofkiis ah hadii la doorto.

Shirkadd lacagaha been abuurka ah gudaha Puntland ka daabacda ayuu sheegay in uu xidhi doono, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in shirkaddaasi uu iska leeyahay madaxweyne Gaas.

Musharax Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye ayaa sheegay in uu dibu eegis ku samayn doono heshiishkii shirkadda DP WORLD ay kula gashay dekadda Bososo xukuumadda madaxweyne Gaas.