Khudbadii 20-ka Musharax ee madaxweynaha Puntland oo la soo gaba-gabeeyay

Waxaa goordhow la soo gabagabeeyay dhageysiga Khudbadda musharaxiinta madaxweynaha Maamulka Puntland ka hor jeedinayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

20-musharaxa oo u tartamaya xilka madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ayaa khudbad ka hadleysa taariikh nololeedkooda iyo waxqabadka ay la imaanayaan haddii ay xilka ku guuleystaan ka horjeediyay Xildhibaanada Puntland.

Waxaana Guddoonka Baarlamaanka Puntland uu sheegay in qadar saacado oo Salaad iyo Qado isugu jirta ka dib, la isugu soo laabanayo dhageysiga khudbada musharaxiinta madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland oo u taagan ilaa iyo siddeed musharax.

Qaban qaabo ku aadan doorashada madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa ka soconaysa magaalada Garoowe,taasi oo la filayo in ay dhacdo maalinta beri ah.