Wasiirkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Kheyre oo ka hadlay ceyrintii Mr. Nicholos Haysom

Xukuumada Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka uu Xoghayaha guud ee UN-ka António Guterres, ku bedalayo wakiilkiisa dalka laga eryay ee Nicholas Haysom.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Dekadaha iyo Badda ee xukuumada Federaalka ah, Cusmaan Maxamed Cabdi (Daallo) ayaa ku tilmaamay talaabada Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in Qab usoo jiiday dalka.

“Soomaalidu waligeed Qab weyn lahayd, waana guuleysaneynaa,” ayuu Wasiir Daallo ka sheegay isu-soo bax lagu taageerayay dowladda oo galabnimadii Sabtida ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho.

Horaantii bishaan Janaayo 2019 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ku amartay Haysom inuu dalka isaga baxo, markii ay ku eedaysay inuu ku xad-gudbay madax-banaanida iyo qaranimada dalka.