Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha ka dhashay dab ka kacay guri ku yaalo Muqdisho+(SAWIRRO)

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Dab ka kacay guri ku yaala Isgoyska Baar Ubax Degmadda Holwadaag ee Gobolka Banaadir.

Sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah Eheladda guriga, dabka oo kacay goordhaweyd ayaa ku faafay qeybo badan oo guri kamid ah

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in dabka uu ka dhashay Koronto.

Waxaana haatan goobta gaaray Gaadiidka Dab damiska Dowladda Hoose,waxaana socda dadaalo ku aadan sidii loo damin lahaa dabka.