Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo saakay ka socda degmada Afgooye

Ciidamada ammaanka ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka wada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay Magaalada ay ka dhacaayeen dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo dad Shacab ah.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Afgooye.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Afgooye.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla  Magaalada.