Ciidamo cusub oo la geeyay Garowe & Ammaanka oo si weyn loo adkeeyay

Maamulka Puntland ayaa aad u adkeeyay ammaanka deegaanadaasi gaar ahaan amniga magaalada Garowe halkaasi oo lagu wado in 8-bishan ka qabsoonto doorashada madaxweynaha Maamulkaasi.

Ciidamada Xasilinta Gobolka Nugaal ayaa howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka wada magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah daraawiishta maamulka Puntland ayaa lagu kordhiyay suggida Ammaanka Magaalada Garowe.

Ku dhawaad 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland ayaa ku sugan Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Musharaxiinta qaarkood ayaa Magaalada lasoo galay hub farabadan, waxaana hubkaasi ay ugu tala galeen in ay ku ilaaliyaan Ammaankooda,taasoo laamaha Ammaanka ay sheegeen in ay abuurtay Qalqal Amni.

Ciidanka Booliska ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka, waxaana dhammaan Xaafaddaha Magaalada lagu daadiyay Ciidamo dheeraad ah.

8 Bishaan ayaa lagu waddaa in Magaalada ay ka dhacdo doorashadda Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.