AKHRISO: Isimada Puntland oo 7-Qodob ka soo saaray arrinta dorashada madaxweynaha

Waxgaradka iyo isimada Puntland ayaa war ka soo saaray doorashada madaxweynaha Maamulkaasi ee lagu wado iney dhacdo labo maalin ka dib.

Waxgaradka ayaa ku taliyay in la adkeeyo amniga deegaanada Puntland lagalana shaqeeyo laamaha ammaanka u xilsaaran.

Waxgaradka ayaa ka digay in doorashadda ay ka dhalato Khalalaase iyo in lacago laaluush ah ay dhiibaaan Musharaxiinta, waxaana xildhibaanada ay ugu baaqeen in ay doortaan qof ugu haboon.

Sidoo kale,shacabka Puntland ayaa loogu baaqay iney ilaaliyaan xasiloonida una hoggaansamaan sharciga dalka u yaalo.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Isimada:-