Sidee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uga hadlay doorashada madaxweynaha Puntland?

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shacabka madaxda Maamulja Puntland ku ammaanay hanaanka dimuqraadiga ah ee u qabsanayaan doorashada madaxweynaha  ee maamulkaas.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay iney muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ku fikiraan sidii ay u gaari lahaayeen doorashooyin qof iyo cod ah si looga baxo hanaanka doorasho ee hadda dalka u yaalo.

Sidoo kale,wuxuu carabka ku dhuftay ineysan taageersaneyn doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo oo uu ku tilmaamay mid afduub u ahayd Dowladda dhexe,sida uu hadalka u dhigay.

Ugu danbeyntii, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iney sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan sharciga doorashadooyinka dalka,maadama doorashooyinka dalka ay ka harsan tahay oo keliya labo sano.

Hadalkaan ayuu Hoggaamiyaha ka jeediyay xaflad lagu furayay xarun uu yeelanyo Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka oo uu guddoomiye u yahay Xasan Sheikh Maxamuud.