Mid ka mid ah dilaayaasha Suxufiyiinta oo xog buuxda laga helay+(baaritaan dheer ka dib)

Abdalle Ahmed Muumin oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa sheegay in xog muhiim uu ka helay shaqsi si joogta ah ugu soo diri jiray fariimo hanjabaad ah,wuxuuna sheegay inuu ku nool yahay dalka Uganda.

Xogta uu shaqsigan ka helay ayuu ku sheegay iney ka caawiyeen Booliska lana wadaagay xogta laga helay shaqsiga.

 Halkaan Hoose ka akhriso qoraalka uu Facebook soo dhigay:-

Ugu dambeyn waxaa lasoo heley shakhsi hanjabaado joogto ah ii soo dirayey sannadahaan isagoo sheeganaya inuu ku nool yahay Uganda. Saraakiisha baarista oo iga caawiyey helista xogta qofkaan ayaa ila wadaagay xogta hoose:

– Wuxuu isticmaalaa +254720617761 oo ah telefoon number oo Kenya ah, lagana diiwaangaliyey agaagarka Gaarisa/Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab.

– Booliska waxay ogaadeen inuu joogo Mombasa.

– Dhowr qof oo saaxiibadey Facebook wuu wacay.

– Wuxuu mararka qaar sheegaa inuu askarta Dowladda Soomaaliya uu ka mid ahaan jiray.

– Muqdisho ayuu ku noolaa waqti dheer illaa bilawgii 2000- 2007.

– Dhowr jeer ayuu ka safray Muqdisho isagoo ka gudbay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya, wuuna ku laabtaa marinkaas markasta oo xadka labada dal uu isaga gudbo.

– Aniga wuxuu si caadi ii soo wacay muddo sannad kahor isagoo i weydiiyay inaan Nairobi ku kulanno. Waanse ka diiday.

– Booliska waxay shaki ka qabaan inuu yahay xubin ka tirsan al-Shabaab hase yeeshee ugu yaraan ku xiran dad Dowladda Soomaaliya xil ka haya.

Insha Allaah hadda waxaan ku hawlanahay inaan kiiska oo gal dacwadeed ah geeyo Maxkamadda dhowaan.

W/Q: Wariye/Tababar: Abdalle Ahmed Muumin