Maxaadan Ogeyn oo ka cusub dagaal Al-Shabaab & DF ku dhexmaray Muqdisho?

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafadda Suuqa Xoolaha Degmadda Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka rag ka Tirsan Shabaab ayaa Bambaanooyinka gacanta lagu tuuro ku weeraray biyo deegeenka Xaafadda Suuqa Xoolaha,waxaana la sheegay in Labada dhinac ay saacado dagaalamayeen.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaarha ka dhashay dagaalka xalay dhexmaray Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Shabaab.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa inta badan weeraro qorshaysan ku qaada fariisimaha Ciidamadda ay ku leeyihiin Magaaladda Muqdisho.