Guddi xaqiiqo raadin oo loo saaray rabshadihii ka dhashay xarigii Mukhtaar Roobow

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdficasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya shaqaaqooyinkii ka dhacay Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Todobbo xubnood oo midi ay Haween tahay oo baara tacadiyadii ka dhacay Baydhabo ee ka dhashay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow.

Xubnahaan ayaa looga fadhiyaa iney keenaan xaqiiqda wixii ka dhacay Baydhabo 13-15 December oo Beesha caalamka ay ku tilmaantay tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda aadanaha.