Goorta la qabanayo caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/Galbeed oo la shaaciyay

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa lagu magacaabay Guddiga Qabanqabadda Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha maamulkaasi.

Xaflada Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 16-ka bishaan.

Guddiga loo xilsaaray ka shaqeynta Xaflada Caleema-saarka Madaxweyne Lafta-gareenĀ  ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.