Al-Shabaab oo kordhiyay dilalka saraakiisha Ciidamada & Taliyeyaasha Ciidamada oo cabsi soo wajahday

Kadib markii shalay Magaalada Muqdisho lagu dilay Taliyihii Saldhiga Degmada Warta Nabadda Macalin Daahir, ayaa cabsi waxaa la soo daristay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliyeyaasha ay kordhisteen ciidanka ilaalada u ah si ay uga gaashaantaan beegsi kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale waxaa jirta in Taliyeyaasha ay yareeyeen dhaqdhaqaaqooda socodka wadooyinka Magaalada gudaheeda, si aanan halkaasi loogu beegsan, sidoo kalena waxa ay kordhisteen ciidanka ilaalada u ah.

Saraakiisha qaar ayaa waxaa ilaalin jiray illaa afar askari, balse wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ugu yaraan sideed askari ay ilaaliyaan Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka oo wixii ka dambeeyay dilkii Macalin Daahir ee shalay ay kordhisteen Ciidanka ilaalada u ah.

Ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa faraha ka baxay, waxaana todobaad gudihiisa Magaalada lagu dhex dilay laba Sarkaal oo mid uu Boolis yahay, midna uu yahay Militari ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.

Amniyaadka Al Shabaab oo si qarsoodi ah uga hawlgala Magaalada Muqdisho gudaheeda, ayaa hadda u muuqda si adag inay Magaalada uga dhax shaqeynayaan, marka loo eego sida ay u bartilmaameedsadaan Saraakiisha dowladda.