Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Taliye Ciidan

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidanka Booliska degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho lagu dilay agagaarka Saldhiga degmadaasi.

Xoghayaha degmada Warta-Nabada Cali Aadan ayaa xaqiijiyay dilka Taliyihii Ciidanka Booliska degmadaasi.

Taliyaha ayaa lagu Magacabaa Macalin Aadan, waxaana uu ka mid ahaa kuwa ugu firficoon Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xilliga la dilaayay ayaa la sheegay in aysan la socon wax Ciidan ah, islamarkaana uu watay gaari nooca raaxadda ah.