Sidee shacabka Muqdiso u arkaan go’aankii DF ay ka qaadatay Nicholos Haysom?

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sidey u arkaan go’aanka ay dowladda federaalka ku erisay wakiilkii Qaramada Midoobay.

Qaarkood dadkan oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen iney soo dhoweynayaan go’aankaasi.

Waxa ay tilmaameen in dowladda federaalka ay xor u tahay iney dalka ka eriso cid walbo oo xadgudub ku sameysa qarannimada dalka.

Qoraal dhowaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inaan dalka laga rabin Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholos  Haysom kana sii shaqeyn Karin.

Nicholos Haysom ayaa lagu eedeeyay inuu faraha la galay madax banaaninad iyo arrimaha gudaha Soomaaliya,islamarkaana uu hareer maray howlihii loo igmaday.